Madaxweyne William Ruto oo wajahaya baaqyo ku aaddan inuu si degdeg ah wax uga qabto eedeymaha la xiriira dhibaateynta iyo masaafurinta muwaadiniinta Burundi.
Madaxweyne William Ruto ayaa wajahaya eedeymo la xiriira tallaabooyin adag oo loo adeegsaday muwaadiniinta Burundi, oo ay ku jiraan falal la sheegay inay yihiin tacaddi iyo gacan-ka-hadal, kuwaas oo walaac weyn dhaliyay.
Arrintan ayaa keentay baaqyo loo jeedinayo Guddoomiyaha Bariga Afrika inuu si degdeg ah uga soo farageliyo.
Safaaradda Burundi ee Kenya ayaa muujisay walaac xooggan oo ku saabsan kororka anshax-xumada, dhibaateynta iyo masaafurinta khasabka ah ee lagu beegsanayo muwaadiniinta Burundi ee ku nool Kenya.
Safaaraddu waxay si rasmi ah ugu baaqday Guddoomiyaha Madaxda Dalalka Bariga Afrika, Mudane Yoweri Kaguta Museveni, inuu si degdeg ah u qabto shir heer sare ah oo ay ka qeyb galaan dhinacyada ay khuseyso.
Ujeeddadu waa in si qoto dheer loo baaro loona xalliyo dhacdooyinkii dhowaan dhacay, gaar ahaan kuwa la xiriira dowladda Madaxweyne Ruto, si looga hortago in xiriirka labada dal uu sii xumaado, loona ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta Burundi ee ku nool Kenya.
