Dadka Haysta Baasaboorka Soomaaliya oo wajahaya Caqabado iyo Xannibaado Waaweyn, Taas oo ka Dhalanaysa Siyaasadaha adag ee Socdaalka iyo Shuruucda Fiisaha marka ay u safrayaan UK, Maraykanka iyo Canada.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool UK, kuna jira EU Settlement Scheme, waxay haystaan xaalad socdaal oo dijitaal ah (digital immigration status).
Marka ay dibadda u safrayaan, waa inay isticmaalaan baasaboorkooda ama dukumentiga safarka ee ku xiran akoonkooda UK Visas and Immigration (UKVI).
Shirkadaha diyaaradaha waxaa la filayaa inay si elektaroonig ah uga helaan Home Office xaqiijin muujinaysa in qofka rakaabka ahi xaq u leeyahay inuu safro.
Si kastaba ha ahaatee, dhibaatooyin ayaa ka dhalan kara safarka, gaar ahaan garoomada diyaaradaha ee waaweyn ee loo sii maro dalal kale.
Rakaabka waxaa laga yaabaa in loo oggolaado inuu galo ama ku sii gudbo dalka transit-ka ah, balse marka uu doonayo inuu raaco duulimaadka ugu dambeeya ee UK, waxaa loo diidi karaa inuu diyaaradda fuulo haddii shirkadda diyaaradaha aysan xaqiijin karin UK eVisa-giisa.
Arrintani way ka duwan tahay in qofka laga diido gelitaanka dalka transit-ka ah. Haddii rakaabku horey u galay ama uga sii gudbay dalkaas, balse kaliya laga diiday duulimaadka UK, dhibaatadu badanaa waxay la xiriirtaa xaqiijinta oggolaanshaha UK ee ay samaynayso shirkadda diyaaradaha.
UK waxay sheegtay in baasaboorka Soomaaliya uusan ka mid ahayn dukumentiyada safarka ee ay si caadi ah u aqoonsan tahay, isla markaana la bixiyo FAV (Form for Affixing a Visa). Waxa kale oo lagu sheegay in baasaboorrada Soomaaliya aysan ku filnayn safarka UK.
Shirkadaha diyaaradaha waxaa laga yaabaa in lagu ganaaxo sida ku cad Qaybta 40-aad ee Immigration and Asylum Act 1999, haddii ay qaadaan rakaab aan haysan dukumentiyada loo baahan yahay. Ganaaxu wuxuu gaari karaa ilaa £2,000 rakaabkiiba. Sidaas darteed, shaqaalaha diyaaradaha waxay diidi karaan qofka inuu duulo haddii nidaamku uusan xaqiijin oggolaanshihiisa, isla markaana uusan hayn caddayn jireed oo la aqoonsan yahay.
Laga bilaabo 1-da Luulyo 2026, Home Office wuxuu joojiyay bixinta waraaqaha visa vignette-ka ee lagu dhejiyo baasaboorrada. Dadka codsigooda lagu xaqiijiyo xarunta Visa Application Centre, balse aan haysan dukumentiyada safarka ee la aqbali karo, waxaa la siin doonaa eVisa iyo FAV, kuwaas oo inta badan qofku si toos ah uga qaadanayo xarunta.
Arrintani way fududahay dadka cusub ee codsanaya fiisaha, balse weli waxaa jira jahawareer ku saabsan dadka haysta settled status ama pre-settled status ee ku xiran akoonkooda UKVI.
#Somali #UK #UKVI #UKTravel #FAV #eVisa #EUSettlementScheme