Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Isbahaysiga uu hoggaaminayo Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan oo wajahaya xaalad adag, kadib markii ciidamada Xuutiyiinta Yemen ay kusoo dhowaadeen Bab al-Mandab.

Isbahaysiga uu hoggaaminayo Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan oo wajahaya xaalad adag, kadib markii ciidamada Xuutiyiinta Yemen ay kusoo dhowaadeen Bab al-Mandab.

Ciidamada Xuutiyiinta ee taageera Iiraan ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada dekedda istiraatiijiga ah ee al-Macha (Mocha) ee Badda Cas, kadib markii ciidamada taageersan dowladda ay si lama filaan ah uga baxeen magaalada.

Horumarkan dhuleed ee weyn ayaa si weyn u beddelay xaaladda dagaalka Yemen, wuxuuna abuurey khatar weyn oo ku wajahan ganacsiga iyo maraakiibta caalamiga ah ee badda.

Ciidamada dowladda ee ka soo horjeeda Xuutiyiinta, oo ay ku jiraan National Resistance iyo Giants Brigades, ayaa ka baxay magaalada taariikhiga ah, oo ay ku jiraan dekedda iyo garoonka diyaaradaha. Ciidamadan ayaa la sheegay inay u guureen dhanka koonfureed ee Dhubab, oo qiyaastii 46 kiiloomitir u jirta, si ay u xoojiyaan difaacooda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalyahanno Xuutiyiin ah ay galeen bartamaha magaalada iyagoo ku dhawaaqaya halkudhigyadooda dhaqanka ah: “Geeri Mareykanka, geeri Israa’iil,” kadib maalmo ay socdeen iska horimaadyo gudaha magaalada ah.

Inkastoo ilo badan oo dowladda ah ay warbaahinta caalamiga ah sida Reuters iyo AFP u xaqiijiyeen in magaalada laga qabsaday, haddana National Resistance Forces, oo uu hoggaamiyo Tareq Saleh, ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay “dib-u-habeyn iyo xoojinta difaacyada,” halkii ay ka ahaan lahayd guuldarro joogto ah.