Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Sagal Abdi-Wali oo U Tartamaysa Kursigii Keir Starmer ee Baarlamaanka UK

Sagal Abdi-Wali oo U Tartamaysa Kursigii Keir Starmer ee Baarlamaanka UK

Duqa Degmada Camden, Sagal Abdi-Wali, ayaa wajahaysa loollan adag, iyadoo u tartamaysa doorashada kursiga Aqalka Hoose ee Baarlamaanka UK, kaas oo uu horey u banneeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain, Keir Starmer.

Sagal Abdi-Wali, oo loo doortay inay noqoto musharraxa Xisbiga Labour-ka ee doorashada ku celiska ah ee deegaanka Holborn iyo St Pancras, weli ma aysan helin kursi Baarlamaanka.

Waxaa loo doortay 9-kii Sebtembar 2026 inay u tartanto kursiga uu banneeyay Keir Starmer, kaas oo 1-dii Sebtembar 2026 iska casilay xilkii Xildhibaanka Baarlamaanka si uu diiradda u saaro hoggaaminta Xisbiga Labour-ka.

Abdi-Wali, oo 42 jir ah, waa qaxooti hore oo Soomaaliyeed oo carruurnimadeedii yimid Britain, waxayna ku dhawaad 35 sano ku noolayd Camden. Waxay noqotay xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka tan iyo 2022, waxaana loo magacaabay hoggaamiyaha Golaha Camden bishii May 2023.

Doorashada ku celiska ah ayaa loo qorsheeyay inay dhacdo 8-da Oktoobar 2026.

Haddii la doorto, waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horreysay ee British-Somali ah ee ka mid noqota Baarlamaanka UK, taasoo noqon doonta tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca kala-duwanaanshaha iyo matalaadda.