๐๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ค๐ก๐๐๐ญ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐ ๐๐๐๐๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ฆ๐๐ฒ.
Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay Shirweynaha 3-aad ee Ururka Dhakhaatiirta Lafaha Soomaaliyeed, oo lagu soo bandhigayay Cilmi baarisyo kala duwan oo ku saabsann Qaliimada Lafaha iyo Daaweyntooda kaas oo ay isugu yimaadeen dhakhaatiir, khubaro iyo bahda caafimaadka ee ku takhasustay daryeelka iyo daaweynta lafaha.
Intii uu shirku socday, waxaa lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo laga sameeyay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo muhiim u ah fahamka xaaladaha caafimaadka lafaha.
Ujeeddada guud ee shirweynahan ayaa ah in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta, tayeynta iyo baahinta adeegyada caafimaadka lafaha ee Soomaaliya, iyadoo la xoojinayo iskaashiga iyo wada-shaqeynta dhakhaatiirta iyo bahda caafimaadka.
Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Shirka 3-aad ee Dhakhaatiirta Lafaha Soomaaliya, Dr. Cabdishakuur Maxamed Axmed, ayaa ka hadlay muhiimadda shirka.
Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Lafaha Soomaaliyeed, Dr. Bashiir Abdikarim (Dr. Indhacadde), ayaa ka hadlay doorka ururka iyo horumarinta adeegyada caafimaadka ee la xiriira lafaha.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, Drs. Luul Maxamuud Maxamed, ayaa bogaadisay Ururka Dhakhaatiirta Lafaha Soomaaliyeed, iyadoo ku ammaantay dadaallada ay ugu jiraan bulshada Soomaaliyeed iyo horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka.
Ugu danheyn qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Lafaha ayaa soo bandhigay cilmi baarisyo Kala duwan oo ka hadlaya xaalada caafimaadka lafaha ee Soomaaliya.











