Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ganacsiga

Gudoomiye Mungaab & dhigiisa Jabuuti oo heshiis kala saxiixday

Gudoomiye Mungaab & dhigiisa Jabuuti oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyo dhiggiisa Caasimadda Jabuuti, Mudane Said Daoud Mohamed (Saïd Daoud), ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, dhaqanka iyo horumarinta.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, oo ka hadlayay munaasabadda, ayaa mahadcelin kadib guudmaray xiriirka ka dhexeeya shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka reer Jabuuti, oo uu sheegay in uu ku dhisan yahay dhiig-wadaag, dhaqan-wadaag iyo diin-wadaag, isla markaana uu yahay: “Xiriir aysan BIR GOYN KARIN; BIYANA MEYRI KARIN.”


Duqa Muqdisho ayaa si gaar ah Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Mudane Ambassador Cusmaan Sugulle Dubad, uga mahadceliyay kaalinta uu ka qaatay fududeynta iyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Sidoo kale, Dr. Muungaab ayaa dhiggiisa Caasimadda Jabuuti u fidiyay casuumaad rasmi ah oo uu ku yimaado magaalada Muqdisho, isaga oo ku martiqaaday ganacsatada iyo maalqabeennada reer Jabuuti inay maalgashi ku sameystaan Caasimadda Soomaaliya, oo hadda ku jirta marxalad koboc iyo ballaarin ah.

Dhankiisa, Duqa Caasimadda Jabuuti, Mudane Said Daoud Mohamed, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay heshiiskan iyo iskaashiga cusub ee labada caasimadood, isaga oo soo dhoweeyay fursadaha cusub ee uu heshiisku u abuurayo labada dhinac, islamarkaana caddeeyay sida ay Jabuuti uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhaqaale, ganacsi iyo horumarineed ee Muqdisho iyo Jabuuti.