Jabuuti oo Codsatay Gargaar Caalami ah oo Degdeg ah, Iyadoo Tirada Yemeniinta Soo Galaysa ay Dhaafayso Awooddeeda
Jabuuti ayaa soo saartay baaq degdeg ah oo ay kaga codsanayso beesha caalamka kaalmo bani’aadamnimo, kaddib markii in ka badan 3,500 oo Yemeni ah ay dalka soo gaareen tan iyo toddobaadkii hore. Qiyaasaha ayaa muujinaya in tirada dadka magangelyo-doonka ah ay gaari karto ilaa 10,000 qof oo dalka soo gala.
Jabuuti waxay ka digtay in kororka degdegga ah ee dadka soo galaya uu dhaafayo awoodda ay hadda u leedahay bixinta hoyga iyo adeegyada aasaasiga ah.
Dowladda Jabuuti waxay carrabka ku adkaysay baahida loo qabo gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah, iyadoo tilmaantay in hoos u dhac weyn uu ku yimid maalgelintii caalamiga ahayd, taas oo caqabad ku ah dadaallada gurmadka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cumar Cabdi Saciid, ayaa sheegay in tirada dadka soo galaya ay gaari karto 10,000 qof toddobaadyada soo socda. Wuxuuna xusay baahida degdegga ah ee loo qabo taageero dhaqaale oo ka timaadda Qaramada Midoobay iyo hay’adaha ay iskaashadaan, si si wax-ku-ool ah loo maareeyo qulqulka dadka soo galaya loona hubiyo in dadka barakacay la siiyo taageero ku filan.