Maraykanka oo sheegay in uu AS ku beegsaday Buuraha Calmadow
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in diyaaradahooda ay beegsadeen goob ay ku sugnaayeen AS oo ku taalla Silsiladda Buuraha Calmadow ee Dowlad-Goboleedka Puntland sida lagu sheegay Bayaan kasoo baxay AFRICOM.
Maraykanka ayaa tilmaamay in duqayntaas lagu beegsaday goob hubka ay dhigtaan AS & Talis ay ka abaabulayeen weerarrada ay gaystaan sidaas awgeed xog dhammaystiran oo deegaankaas laga helay lagu dhaqaaqay laguna fuliyay weerarka.
AFRICOM ayaa sheegtay in ujeedka weerarrada ay fuliyaan diyaaradaha duulliye la’aanta ah ee Drones-ta loo yaqaan ay tahay sidii loo beegsan laa AS iyo Daacish si loo bartilmaameedsado hoggaankooda sida hadalka loo dhigay.
Duqaymaha ka dhanka ah AS iyo Daacish ayaa kordhay iyada oo weerarrada ugu badan ay fuliyaan Diyaaradaha Maraykanka & kuwa Turkiga, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay usoo bandhigtay muuqaallo ay kasoo duubtay qaar kamid ah weerarradaas.