Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Shariif Shiikh Axmed: Somalia waxay mareysaa Marxalad aad u adag”

Shariif Shiikh Axmed: Somalia waxay mareysaa Marxalad aad u adag”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in Soomaaliya ay mareyso marxalad siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo adag, taas oo uu sheegay inay u baahan tahay in shacabka Soomaaliyeed ay mideeyaan fikirka iyo dadaalka lagu wajahayo caqabadaha dalka ka jira.

Shariif Sheekh Axmed oo khudbad ka jeediyay munaasabad uu qabtay xisbiga Himilo Qaran, ayaa sheegay in kulanka uu ku soo beegmay xilli uu dalku wajahayo xaalad siyaasadeed oo culus, isagoo tilmaamay in ujeeddadu tahay in la is dhaafsado aragtiyo ku saabsan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira, loo mideyn lahaa shacabka Soomaaliyeed, loona sii ambaqaadi lahaa horumarka dalka.


“Shirkaan Himilo Qaran waxa uu imaanayaa marxalad siyaasadeed oo culus oo dalku marayo. Ujeeddadu waxay tahay in ra’yi la is dhaafsado oo ku saabsan dalka sida loo badbaadinayo, ummadda Soomaaliyeed sida loo mideynayo iyo sida hore loogu soconayo,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku dhowaad 35-kii sano ee lasoo dhaafay soo martay xaalado adag oo ay ka mid yihiin dhimasho, barakac iyo kala fogaansho bulshada dhexdeeda ah.

Si kastaba, wuxuu xusay in muddadaas ay jireen dadaallo kala duwan oo lagu doonayay in dib loogu soo celiyo dowladnimada, xasilloonida iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka ay hadda u baahan tahay in shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga fikiraan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.

“Waxaan joognaa marxalad adag oo u baahan in Soomaalidu ra’yigooda isu keento, fikirkeedana mideyso, una istaagto sidii marxaladdan looga gudbi lahaa,” ayuu yiri.