Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ganacsiga

Xasan Shiikh oo Furay Shirka Maalgelinta & horumarinta Somalia

Xasan Shiikh oo Furay Shirka Maalgelinta & horumarinta Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya, kaas oo looga hadlay sidii loo heli lahaa maalgelin ku filan oo lagu taageero kobaca dhaqaalaha iyo horumarka waara ee dalka.

Shirka oo uu martigeliyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB), ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ganacsatada, maareeyeyaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta Soomaaliya ka taageerta dhinacyada horumarinta iyo dhaqaalaha.


Intii uu shirku socday ayaa si gaar ah looga hadlay fursadaha iyo baahiyaha maalgelineed ee Soomaaliya, iyadoo xoogga la saaray sidii dalka looga gudbin lahaa marxaladda dib-u-soo-kabashada, looguna tallaabsan lahaa koboc dhaqaale oo waara iyo horumar ku dhisan wax-soo-saar gudaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso maalgelinta mashaariicda horumarineed ee waarta, kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo xoojinta doorka ganacsiyada gaarka loo leeyahay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalgelinta iyo kobcinta ganacsiyada gudaha ay muhiim u yihiin abuurista fursado shaqo, kordhinta wax-soo-saarka iyo dhisidda dhaqaale awood u leh inuu si joogto ah u kobco.


Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Hiigsiga Qaranka 2060 uu yahay jihada fog ee Soomaaliya ay ku gaari karto dhaqaale kobcaya iyo horumar waara, taas oo u baahan maalgelin istiraatiiji ah iyo qorsheyaal waqti dheer ah.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in maalgelin dheeraad ah lagu sameeyo qaybaha muhiimka u ah dhaqaalaha dalka, gaar ahaan beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.

Shirka ayaa sidoo kale fursad u ahaa dowladda, ganacsatada iyo bahwadaagta horumarinta Soomaaliya inay ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo qaybta gaarka loo leeyahay, loona abuuri lahaa jawi dhiirrigeliya maalgelinta iyo maalgashiga gudaha iyo dibadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoogga saareysay horumarinta dhaqaalaha iyo kordhinta maalgashiga, iyadoo ganacsiyada gaarka loo leeyahay loo arko qayb muhiim ah oo kaalin ka qaadan karta kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo horumarinta adeegyada dalka.