Cabdirashiid Janan oo sheegay in dagaalkii gobolka Gedo la soo afjaray.
Taliyaha Nabadsugida Deegaanada Jubbaland ahna Hoggaanka Guud ee Amniga Gobolka, Cabdi Rashiid Janan, ayaa saaka khudbad u jeediyay ciidamada Nabadsugida Guutada Hilaac ee ka howlgala Degmada Doolow iyo deegaanada ku teedsan.
Janan ayaa ciidamada u sheegay in cadowgooda koowaad uu yahay argagixisada, isaga oo xusay in sidoo kale cadow loo aqoonsan doono cid kasta oo ka hor timaadda nabadda deegaanka ama dhibaateysa shacabka.
Taliyaha ayaa ciidamada ku ammaanay shaqada adag iyo masuuliyadda ay ka hayaan sugidda amniga, wuxuuna u ballanqaaday in xuquuqda ciidamada la siin doono maalmaha soo socda.
Guutada Hilaac ayaa ka howlgasha deegaano ka tirsan gobolka Gedo, iyadoo ciidamada Nabadsugida ay qayb ka yihiin dadaallada lagu sugayo amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.