MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Shirka QM iyo Madaxda Turkiga & Qadar oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ka socota xarunta Qaramada Midoobay, magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Kulanka ayaa waxaa khudbado ka jeediyay qaar kamid ah Madaxda Caalamka oo qaarkood soo hadal qaaday xaaladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Turkiga, Erdogan ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan sidii ay u heli lahaayeen amni iyo ciidamo la wareega mas’uuliyadda Amniga dalka.
Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Amiirka Dalka Qadar oo tilmaamay in ay garab taagan yihiin Midnimada iyo Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa waxaa la filayaa inuu jeediyo 24 bishaan oo ku beegan Khamiista, isagoo ka hadli doona dhinacyada dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo sidoo kale ka hadli doona mudnaanta Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo iskaashiga caalamiga ah.