Iiraan oo Mareykanka u soo bandhigtay heshiis cusub oo KMG ah
Iiraan ayaa Mareykanka u gudbisay qorshe cusub oo ka kooban toddoba maalmood, kaas oo lagu doonayo in lagu joojiyo colaadda, dib loogu furo Marin-biyoodka Hormuz iyo in dib loo bilaabo wada-hadallada ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi.
Araghchi ayaa sheegay in qorshahan loo gudbiyay Washington iyadoo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal, isla markaana uu ku saleysan yahay is-afgarad ay labada dhinac gaareen bishii Juun, kaas oo markii dambe aan u hirgelin sidii loogu talagalay.
Sida uu Araghchi sheegay, qorshaha cusub wuxuu dhigayaa in haddii Mareykanku aqbalo shuruudaha Iiraan, jadwalka toddobada maalmood uu isla markiiba bilaaban karo.
Inta lagu guda jiro muddadaas waxaa la doonayaa in la joojiyo colaadda, Mareykankuna uu qaado tallaabooyin la xiriira cadaadiska dhaqaale iyo militari ee saaran Iiraan.
Maalinta toddobaad, sida uu sheegay wasiirka Iiraan, waxaa dib loo furi doonaa Marin-biyoodka Hormuz, kaddibna waxaa dib loo bilaabi doonaa wada-hadallo dhammaystiran oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan.
Warbixinno ku saabsan qorshaha ayaa sheegay in shuruudaha Iiraan ay ku jiraan fududeynta cunaqabateynta Mareykanka, sii-deynta qaar ka mid ah hantida Iiraan ee la xannibay iyo in la soo afjaro xannibaadda iyo cadaadiska militari ee ka dhanka ah Iiraan. Qodobadan ayaa ah mowqifka ay Iiraan ku xirtay qorshaha, mana jirto weli xaqiijin ah in Washington ay aqbashay.
Marin-biyoodka Hormuz ayaa noqday mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee wada-hadallada u dhexeeya Washington iyo Tehran.
Marinkan ayaa ah marin muhiim u ah isu-socodka shidaalka iyo ganacsiga caalamka, waxaana xiisadda ka taagan gobolka ay si weyn u saameysay maraakiibta ganacsiga iyo gaadiidka tamarta.
Financial Times ayaa sidoo kale soo werisay in ciriiriga iyo carqaladaha ka jira Hormuz ay saameyn weyn ku yeesheen ganacsiga gobolka.
Iiraan ayaa hore u sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u furto marinka haddii Mareykanku yareeyo cadaadiska militari isla markaana uu qaado xannibaadaha saaran dekedaha Iiraan.
Wasiir Araghchi ayaa sheegay in Iiraan ay doorbideyso in heshiis la gaaro ka hor doorashada dhexe ee Mareykanka ee bisha November, inkastoo uu sheegay in waqtiga heshiisku ugu dambeyn ku xirnaan doono go’aanka maamulka Mareykanka.
Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa isaguna sheegay in Tehran ay doonayso in is-afgaradkii hore dib loo soo nooleeyo ka hor doorashada dhexe, isagoo sheegay in Iiraan aysan doonayn in arrintu gaarto xilliga doorashada.
Ilaa hadda, Washington si rasmi ah uma aqbalin qorshaha toddobada maalmood ah ee Iiraan.
Warbixin ay soo xigatay Financial Times ayaa sheegtay in mas’uul Mareykan ah uu xaqiijiyay in wada-hadallo wanaagsan ay socdaan iyadoo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal, balse uusan faahfaahin ka bixin qorshaha uu Araghchi soo bandhigay.
Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa hore u sheegay inuu filayo in heshiis lala gaaro Iiraan kaddib doorashada dhexe ee Mareykanka, taas oo muujinaysa in labada dhinac ay weli ku kala duwan yihiin waqtiga iyo shuruudaha heshiis kasta.
Qorshaha Iiraan ma aha oo keliya furitaanka Hormuz. Tehran waxay sidoo kale dooneysaa in dib loo bilaabo wada-hadallada dhammaystiran ee barnaamijkeeda nukliyeerka.
Araghchi ayaa sheegay in haddii shuruudaha lagu heshiiyo, dib-u-furista Hormuz iyo bilaabashada wada-hadallada nukliyeerka ay qayb ka noqon doonaan isla qorshaha toddobada maalmood ah.
Haddii qorshahan uu miro dhalo, wuxuu noqon karaa isku day dib loogu soo celinayo wadahadalladii hore ee Washington iyo Tehran, iyadoo labada dhinac ay weli ku kala aragti duwan yihiin cunaqabateynta, barnaamijka nukliyeerka, arrimaha militari iyo mustaqbalka amniga gobolka.
Hadda Iiraan waxay sugaysaa jawaabta Mareykanka, iyadoo labada dhinac ay wada-hadallo dadban ka wadaan xilli ay madaxda iyo diblomaasiyiinta labada dal ku sugan yihiin New York, halkaas oo uu ka socdo Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.