Puntland oo xoog ku soo furatay Markab ay heysteen Burcad badeed
Puntland ayaa maanta sheegtay in ciidamadeeda badda ee Puntland Maritime Police Force (PMPF) ay howlgal ka fuliyeen xeebaha gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sheegeen inay xoog kula wareegeen markabka MTT SIBU 1, oo ay koox burcad-badeed Soomaali ah muddo haysteen.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Puntland, howlgalka ayaa lagu soo furtay markabka iyo shaqaalihii saarnaa, kaddib markii ciidamada badda Puntland ay galeen hawlgal lagu beegsanayay kooxda burcad-badeedda.
Puntland ayaa sheegtay in howlgalka lagu furtay markabka uu ka dhacay xeebaha gobolka Mudug, iyadoo ciidamadeeda PMPF ay maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka dhan ah kooxaha burcad-badeedda ka waday xeebaha Puntland.
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in howlgalka lagu soo afjaray qabsashadii markabka, iyadoo ciidamada ay gacanta ku dhigeen markabka iyo shaqaalihii saarnaa.
Sida bayaanka Puntland lagu sheegay, khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa soo gaaray xubno ka tirsan kooxda burcad-badeedda intii uu socday howlgalka.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay howlgalka iyo xaaladda shaqaalaha markabka ayaan Puntland si faahfaahsan u shaacin.
Puntland waxay sheegtay in markabka MTT SIBU 1 laga afduubtay xeebaha dalka Yemen 21-kii Agoosto 2026, xilli uu ku guda jiray safarkiisa badda.