Sunday, October 11, 2026
HomeWARARKAIran oo gantaal ku dhufatay markab ciidamo Mareykan ah ay la socdeen...

Iran oo gantaal ku dhufatay markab ciidamo Mareykan ah ay la socdeen iyo khasaare ka dhashay

Warbaahinta NBC ee Maraykanka ayaa sheegtay in siddeed askari oo ka tirsan ciidamada Marines-ka Maraykanka ay ku dhaawacmeen gantaal Iran ay ku dhufatay markab ku sugnaa marin-biyoodka Hormuz 14-kii Sebtembar.


NBC oo soo xiganaysa saddex mas’uul oo Maraykan ah ayaa sheegtay in askartu ay la kulmeen qiiq iyo calaamado dhaawac maskaxeed ah, balse aanu midkood dhaawac culus soo gaarin, dhammaantoodna ay shaqada ku laabteen.


Markabka la weeraray ma ahayn markab dagaal oo Maraykan ah, waxaana la sheegay in toddobada askari ay ahaayeen ciidan caadi ah, halka midkood uu sarkaal ahaa.


Magacyada siddeeddan askari ayaa lagu daray diiwaanka dhaawacyada Wasaaradda Difaaca Maraykanka ku dhowaad 10 maalmood kadib weerarka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments