Jimce, 27 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidamada milatariga Itoobiya ayaa hadda gudaha u galay caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle.

Ciidamada milatariga Itoobiya ayaa hadda gudaha u galay caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle.

Ciidanka dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inay howlgallo nadiifin ah ka wadaan gudaha magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, sida ay waxyar ka hor baahisay Reuters.


Wakaaladda wararka ee AFP, ayaa dhankeeda werisay in ciidanka dawladda Itoobiya iyo kooxaha taageersan ay sidoo kale maalintii labaad maamulayaan garoonka diyaaradaha Mekelle ee Alula Aba Nega, halka saldhigyada iyo xarumaha kale ee dawladda ee ku yaalla Mekelle ay haawanayaan, markii magaalada ay isaga baxeen ciidanka TPLF.


Warbixinta AFP, ayaa sidoo kale lagu sheegay la wareegista ciidanka taageersan dawladda Itoobiya ee Mekelle, inay ka dhigantahay burbur gaaray TPLF, oo mar kale u muuqata dagaallo ay iskudayeen si deg deg ah inay ula wareegaan gobolka Tigray oo ay cadaadiyaan dawladda Abiy, in looga adkaaday, taasoo dib gacan sareynta ugu soo celinaysa xukuumadda Abiy Axmed.


Xaaladdii toddobaadyo ka hor loo arkayay inay khatar gelinayso maamulka Abiy, markii TPLF ay 23 bishii September dib u bilowday dagaalka ayaa hadda u muuqata in meesha laga saaray , isla markaana TPLF iyo qorshihii ay ku mideeyeen kooxaha kale ee ka soo horjeeda