Sabti, 28 Nofembar 2026
Caalamka

Iiraan oo Maraykanka u sheegtay in uusan uga guullaysan Karin Tallaab Militari & Cunaqabatayn uu saaro Dalkeeda

Iiraan oo Maraykanka u sheegtay in uusan uga guullaysan Karin Tallaab Militari & Cunaqabatayn uu saaro Dalkeeda

Dowladda Iiraan ayaa dhiggeeda Maraykanka dhegaha ugu shubtay war ku saabsan goodinta Maamulka Donald Trump ee la xiriirta in uu qaadayo tallaabo Militari iyo in uu sare u qaadayo cunaqabataynta dhaqaale & tan Dekedaha Dalkaas saaran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Abbas Araghchi ayaa sheegay in aanay xalka ahayn tallaabooyinkaas laakiin loo baahan yahay in dalkiisa lala hadlo oo culayska la saaray laga qaado sida uu hadalka u dhigay.

“Tallaab Militari iyo Cunaqabatayn lagu kordhiyo Iiraan xalka rasmiga ah ma ahan, Maraykanka horay ayuu ugu guuldarraystay arrintaan iyo Dagaalka tooska ah” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi.

Tehran ayaa dhinacyada wada dhexdhexaadinta hordhigtay shuruudo ay kamid yihiin in laga qaado xayiraadda uu Maraykanka saaray dekedaheeda, in uu u fasaxo dhaqaalaha uu ka xayiray iyo in uu shuruud la’aan joojiyo dagaalka uu kula jiro Dalkaas.