Madaxweyne Xasan Sheekh oo El-Alamein kula kulmay wafdi ganacsato Soomaaliyeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada El-Alamein ee dalka Masar kula kulmay wafdi ganacsato Soomaaliyeed ah oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Yasin Mahmoud Ibar.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, iyo Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Masar, Danjire Cali Cabdi Awaare.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dadaallada dib-u-habeynta ee ay waddo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, caqabadaha guud ee haysta ganacsatada Soomaaliyeed, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta u dhaxaysa dowladda iyo bulshada ganacsatada.