Jimce, 27 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Kenya: Nairobi oo laga helay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola

Kenya: Nairobi oo laga helay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in magaalada Nairobi laga helay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Ducaale.


Wasiirka ayaa sheegay in cudurka laga helay qof dhawaan ka soo safray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
Kiiskan ayaa walaac gaar ah ku abuuraya dadka sida joogtada ah ugu kala safra Kenya iyo dalalka gobolka, gaar ahaan Soomaalida oo xiriir ganacsi iyo bulsho oo xooggan la leh magaalada Nairobi.


Magaalada Nairobi ayaa maalin kasta waxaa taga tobannaan duulimaad oo ka yimaada Soomaaliya iyo dalal kale, taas oo sare u qaadaysa muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo tallaabooyinka caafimaad iyo baaritaanka dadka safarka ah.