Jimce, 27 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Itoobiya oo Eritrea ku eedeysay iney ciidamo soo gelisay Tigray

Itoobiya oo Eritrea ku eedeysay iney ciidamo soo gelisay Tigray

Dowladda Itoobiya ayaa Ereteriya ku eedeysay inay ciidamo u dirtay gudaha dhulka Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, iyadoo si cad ugu baaqday Asmara inay ciidamadeeda kala baxdo dhulka Itoobiya.

Wasiirka Adeegga Isgaarsiinta Dowladda Itoobiya, Enatalem Melese, ayaa sheegay in ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha Itoobiya ay tahay inay si degdeg ah uga baxaan dalka, isagoo hadalkiisa si gaar ah ugu xusay ciidamada Ereteriya ee lagu eedeeyay inay ku sugan yihiin qaybo ka mid ah Tigray.

“Dhammaan ciidamada shisheeye ee ka hawlgala gudaha dhulkeenna madax-bannaan waa inay si degdeg ah u baxaan,” ayuu Wasiir Enatalem Melese u sheegay Bloomberg.

Eedeynta cusub ee Addis Ababa ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dib u soo cusboonaadeen dagaallo ka dhacay waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, halkaas oo xaaladda amni ay mar kale kasii dartay, iyadoo ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga Tigray ay isku dhacyo cusub galeen.

Dowladda Itoobiya ayaa horey Ereteriya ugu eedeysay inay faragelin ku sameyneyso arrimaha gudaha Itoobiya, isla markaana ay taageero siinayso xoogagga ka soo horjeeda dowladda federaalka iyo TPLF.

Ereteriya ayaa dhankeeda horey u beenisay eedeymaha noocaas ah, iyadoo iska fogeysay inay ku lug leedahay colaadaha gudaha Itoobiya.

Si kastaba, joogitaanka ciidamada Ereteriya ee Tigray ayaa muddo dheer ahaa mid ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan ee xiriirka labada dal, gaar ahaan kadib dagaalkii Tigray ee sanadihii hore.

Xiisadda labada dal ayaa sidoo kale sii xoogeysatay kadib markii dowladda Itoobiya ay xirtay safaaraddeedii ku taallay caasimadda Ereteriya ee Asmara, halka Ereteriyana ay qaaday tallaabo la xiriirta xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal.

Dib u soo noqoshada dagaallada Tigray iyo eedeymaha cusub ee Itoobiya u jeedisay Ereteriya ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in khilaafka gudaha Itoobiya uu ka gudbo xuduudaha dalka, isla markaana uu saameeyo guud ahaan Geeska Afrika.

Xaaladda ayaa hadda isku keenaysa dhowr arrimood oo xasaasi ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin dagaallada gudaha Itoobiya, xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo xoogagga Tigray iyo xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya Addis Ababa iyo Asmara.

Haddii xiisadda labada dal ay sii kororto, waxay saameyn ku yeelan kartaa amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, oo horey ugu jiray xaalado siyaasadeed iyo amni oo adag.

Dowladda Itoobiya ayaa hadda ku adkeysanaysa in ciidamada shisheeye ee ku sugan dhulkeeda ay isaga baxaan, halka Ereteriya aysan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeyntan cusub ee Addis Ababa.