Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Artan ayaa fursad u leh inuu ka mid noqdo garsoorayaasha kulamada horyaalka kubadda cagta Masar, kaddib markii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya uu codsi rasmi ah u gudbiyay guddiga garsoorayaasha dalkaas.
Madaxa Guddiga Garsoorayaasha Masar, Cisaam Cabdifataax, ayaa sheegay inuusan wax diidmo ah ka qabin soo jeedinta, balse ay weli sugayaan oggolaanshaha Xiriirka Kubadda Cagta Masar.
Wareysi uu siiyay telefishin, ayuu Cabdifataax ku xaqiijiyay in xiriirka Soomaaliyeed uu warqad rasmi ah u diray guddiga, isagoo codsanaya in Artan loo oggolaado inuu garsooro kulamada horyaalka Masar.
“Wax diidmo ah kama qabo, balse waxaan sugaynaa oggolaanshaha Xiriirka Kubadda Cagta Masar. Haddii ay oggolaadaan, waxaan sida ugu dhaqsaha badan ugu soo dhoweyn doonnaa horyaalka Masar,” ayuu yiri Cabdifataax.
Wuxuu caddeeyay in codsigu uusan si gaar ah ula xiriirin kulanka Axadda, 11-ka Oktoobar, dhexmaraya kooxaha Al Ahly iyo Zamalek. Kulankaas oo ka dhici doona Qaahira ayaa ka tirsan wareegga lixaad ee horyaalka, waxaana garsoore looga dhigay Rade Obrenović oo u dhashay Slovenia, kaddib markii guddigu uu garsoorayaal ka raadiyay dalal dhowr ah oo Yurub ah.
Haddii codsiga la oggolaado, Cumar Artan wuxuu fursad u heli doonaa inuu garsooro kulamada mid ka mid ah horyaallada ugu caansan Afrika, taas oo sii ballaarin karta waayo-aragnimadiisa garsoornimo ee heer caalami.


