Saturday, October 10, 2026
HomeWARARKAItoobiya oo Qaramada Midoobay u gudbisay Dacwad ka dhan ah Eretareeya

Itoobiya oo Qaramada Midoobay u gudbisay Dacwad ka dhan ah Eretareeya

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa Qaramada Midoobay u gudbisay dacwad ka dhan ah Dalka ay horay u kala go’een ee Eretareeya, Addis Ababa ayaa dhiggeeda Asmara ku eedeysay in ay faragelin ku hayso dhulkooda isla markaana ay gudaha usoo gashay.

Itoobiya ayaa warqadda ay u dirtay Qaramada Midoobay ku muujisay sida ay uga walaacsan tahay faragelinta dhuleed ee Eretareeya ku hayso iyada oo ku goodisay inay qaadayso tallaabo ay ku tilmaamtay mid is difaac ah sida ay hadalka u dhigtay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa Xaanshida Dacwadda ah ay u dirtay Qaramada Midoobay ku caddaysay in Ciidanka Eretareeya ay gudaha dalkooda usoo galeen ilaa 60 Kiilo-mitir si ay halkaas uga abuuraan colaad ku faafta Gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos ayaa ficilka Eretareeya ku tilmaamay “Duullaan iyo Gardarro cad” loona baahan yahay in arrintaan lagu cadaadiyo Asmara si ay dib ula baxdo Ciidankeeda haddii kale ay qaadayaan tallaab militari.

Dhanka kale, Eretareeya oo ka jawaabtay arrintaas ayaa warqad warcelin ah u dirtay Qaramada Midoobay iyada oo dhinaca Itoobiya ku eedeysay inay waddo qorshe abaabul dagaal oo ay ku sheegtay in ay ku gaarayso Badda Cas iyada oo maraysa dhinaca Dalkeeda.

Wasiirka Warfaafinta Eretareeya, Yemane Gebremeskel ayaa sheegay in Itoobiya ay muddo ka badan saddex sano wadday waxa uu ku tilmaamay “dagaal gardarro ah” oo ka dhan ah Dalkiisa iyada oo intaas ay dheer tahay fariimo hanjabaad ah oo Warbaahinta marsiinaysay.

Eretareeya waxa ay Dowladda Itoobiya ku eedeysay in tan iyo 2023 ay xoogga saartay sidii ay u beegsan lahayd Dekedda Assad taasi iyada oo ka duullaysa in ay difaac ka gashay duullaanka Xukuumadda Addis Ababa sida ay hadalka u dhigtay.

Waxaa taagan cabsi ka dhalatay hanjabaadaha iyo dhaqdhaqaaqyada Ciidan ee Itoobiya iyo Eretareeya ay samaynayaan iyada oo ay intaas dheer tahay hadallo goodin ah iyo ashtako isugu jira oo Qaramada Midoobay iyo ururro kale ay u kala direen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments