Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Mareykanka, Ukraine iyo Yurub oo wadahadallo ku yeeshay Miami si ay u diyaariyaan qorshe wadajir ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Mareykanka, Ukraine iyo Yurub oo wadahadallo ku yeeshay Miami si ay u diyaariyaan qorshe wadajir ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Wakiillo ka kala socda Mareykanka, Ukraine iyo waddamada Yurub ayaa Jimcihii magaalada Miami ku yeeshay kulan qaatay lix saacadood, kaas oo looga gol lahaa in lagu heshiiyo soo-jeedin wadajir ah oo lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.

Il-wareed ka warqaba wadahadallada ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ujeeddadu tahay in toddobaadyada soo socda lagu heshiiyo soo-jeedintaas, si loogu gudbiyo Ruushka, loona abuuro fursad xal lagu gaari karo ka hor xilliga jiilaalka.

Kulanka waxaa ka qaybgalay ergooyinka Mareykanka ee Steve Witkoff iyo Jared Kushner, wafdiga Ukraine, iyo wakiillo ka socda Yurub iyo gaashaan-buurta NATO.

Sida uu sheegay il-wareedku, wadahadallada waxaa ku jiray qorshe ballaaran oo ku saabsan xilliga ka dambeeya dagaalka Ukraine, kaas oo ay ka mid ahaayeen dammaanad-qaadyo amni oo ka imanaya Mareykanka iyo Yurub, qorshe dhaqaale oo lagu dhisayo dalka, iyo waddo horseedaysa in dalku uu ku biiro Midowga Yurub.

Dhinacyadu waxay sidoo kale ka wada hadleen “fikrado dhowr ah” oo ku saabsan arrinta dhulalka la isku haysto, balse faahfaahin dheeraad ah lagama bixin. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay qaab-dhismeedka amniga ee mustaqbalka u dhexeeya Yurub iyo Ruushka.