Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

NISA oo Cambaareysay Weerarro Hubaysan oo lagu qaaday Ciidankeeda Muqdisho, kuna Eedaysay Madaxweynihii Hore Sharif Sheikh Ahmed

NISA oo Cambaareysay Weerarro Hubaysan oo lagu qaaday Ciidankeeda Muqdisho, kuna Eedaysay Madaxweynihii Hore Sharif Sheikh Ahmed

Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka (NISA) ayaa si adag u cambaareysay weerarrada lagu qaaday ciidankeeda Ilaalinta Dadweynaha ee ka hawlgala Laanta Koowaad ee Qaybta General Daud, Degmada Wadajir, Gobolka Banaadir.

Weerarradan waxaa fuliyay maleeshiyooyin hubaysan oo la sheegay inay ku shaqeynayeen amarka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed.

Maleeshiyooyinku waxay isku dayayeen inay abuuraan iska horimaad hubaysan; hase yeeshee, ciidamada NISA ayaa u dhaqmay si mas’uuliyad ku jirto si ay uga hortagaan rabshadaha iyo waxyeellada soo gaari karta dadka rayidka ah.

Caddeymo ay ururisay NISA ayaa muujinaya in xubno ka tirsan maleeshiyada oo ku hubaysnaa qoryaha AK-47, BKM, iyo RPG-yada ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee Degmada Wadajir.

Taariikhdu markay ahayd 24-kii Juun 2026, maleeshiyooyinku waxay weerareen ciidamada NISA, waxayna afduubteen sarkaal ku guda jiray waajibaadkiisa shaqo. 27-kii Juun, waxay mar kale carqaladeeyeen hawlgallada amniga ee Qaybta General Daud.

NISA waa hay’ad ixtiraamta sharciga isla markaana ka madax-bannaan siyaasadda.

Lama gelin doono khilaafyo siyaasadeed, mana halis gelin doonto amniga iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Hay’addu waxay ku taagan tahay ballanqaadkeeda ah inay gudato waajibaadkeeda sharciga ah, ilaaliso xasilloonida caasimadda, kana hortagto khataraha ku wajahan amniga dadweynaha.