Monday, October 12, 2026
HomeWARARKASacuudiga oo soo bandhigay Haraadiga Gantaal Xuutigu uu ku dhuftay Dalkiisa

Sacuudiga oo soo bandhigay Haraadiga Gantaal Xuutigu uu ku dhuftay Dalkiisa

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa soo bandhigtay Haraadiga Gantaal Xuutigu uu ku dhuftay Garoonka Diyaaradaha ee Riyadh, waxaana socda baaritaanno lagu samaynayo walxaha uu ka samaysan yahay gantaalkaas sida hadalka loo dhigay.


Xukuumadda Riyadh ayaa sheegtay in gantaalkaan lagu guullaystay in la qabto lagana hortago kahor inta uusan burburin si loo baaro maadooyinka iyo walxaha kale ay ka sameeyeen Xuutiyiinta Yemen sida warka lagu yiri.


Dalal kala duwan oo Caalamka oo Soomaaliya ay kamid tahay ayaa cambaareeyay weerarrada Xuutiyiinta ay ka gaysanayaan Boqortooyada Carbeed ee Sacuudiga, waxaana ay soo jeediyeen in la joojiyo gantaalladaas saamaynta dhaliyay.


Sacuudiga ayaa qudhiisa waxa uu duqaymo iyo dagaallo toos ah oo dhulka ah uu ka wadaa Dalka Yemen, ujeedka waa in Kooxaha Xuutiga ah lagala dagaalamo Cir iyo dhul si loo yareeyo khatarta saamayntooda ciidan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments