Monday, October 12, 2026
HomeWARARKADFS oo maanta Beesha Caalamka u gudbinaysa xubnaha ku matalaya Guddiga ka...

DFS oo maanta Beesha Caalamka u gudbinaysa xubnaha ku matalaya Guddiga ka shaqaynaya hannaanka doorashooyinka 2027

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay Beesha Caalamka u gudbiso xubnaha Guddiga Farsamo ee doorashooyinka 2027 halka sidoo kale mucaaradka iyo Bulshada Rayidka iyanna sidaas oo kale laga sugayo in ay wakiillo dirsadaan.

xubnaha Dowladda ay gudbinayso ayaa qayb ka noqonaya ka go’aan gaarista Doorashooyinka Dalka ee sannadka 2027 iyada oo lagu salaynayo wadahadalladii Beesha Caalamka ay la yeelatay Dowladda iyo Mucaaradka.

Inkasta oo aanay weli la gaarin go’aan doorasho oo ay ku midaysan yihiin Dowladda Mucaaradka haddana waxa ay xubnahaan diiradda saarayaan sidii hal qaab ay u noqon lahayd Doorashooyinkaas isla markaana guddiyo labada dhinac kala metalaya ay ka shiraan.

Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa 3 xubnood, halka Mucaaradka oo dhinacyo kala duwan ah xubnahooda ay gudbin doonnaan waxaana lagu dari doonnaa xubin ka imaanaysa dhinaca Bulshada Rayidka si hal dheeri looga dhigo xubnahaas.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu si toos ah u shaaciyo in Dalka uu aadayo Doorashooyin, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si faahfaahsan uga hadli doonnaa doorashooyinkaas.

Beesha Caalamka ayaa kulamo dhexdhexaadin ah la qaadatay mas’uuliyiin ka kala socota Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka si loo saldhigo hannaanka Doorasho ee Dalka, waxaa ugu dambayn la go’aamiyay in xubno guddi farsamo ah uu dhinac weliba soo dirsado.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa ku dooday in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Dadweyne iyaga oo tusaale ka dhiganaya Doorashooyinkii ka dhacay Gobolka Banaadir, Maamullada Koofur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle.

Arrintaas waxaa labo dhinac ku kala noqday Mucaaradka oo qayb kamid ah taageersan Doorasho Dadweyne oo Guddi isku dhaf ah ka shaqaynaya iyo kuwo kale oo doorbiday in Doorashooyinku noqdaan kuwo Dadban waana tan keentay in loo baahdo Guddiga Farsamo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments