MD Galmudug oo iska wareejiyay hub uu si shaqsi ah u lahaa.
Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa Wasaaradda Amniga maamulka ku wareejiyay gaadiid dagaal iyo hub uu si gaar ah u lahaa, kuwaas oo uu adeegsan jiray xilligii ololihiisa doorashada iyo hawlgallada amni.
Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in gaadiidkaasi ay si gaar ah u lahaayeen Madaxweynaha, isla markaana ay qayb ka ahaayeen agabkii uu ku shaqeynayay xilligii uu ahaa musharraxa u tartamayay xilka Madaxweynaha Galmudug.
Gaadiidka dagaalka iyo hubka la wareejiyay ayaa sidoo kale la sheegay in loo adeegsan jiray hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo sugidda amniga deegaannada Galmudug.
Wareejintan ayaa ka dhigan in agabkii milatari ee sida gaarka ah u lahaa Madaxweynaha lagu biiriyay hantida iyo agabka hay’adaha amniga maamulka, si loogu adeegsado hawlgallada amniga iyo dagaalka
Liibaan Axmed Xasan ayaa dhowaan ku guuleystay doorashadii Madaxweynaha Galmudug, waxaana isaga iyo ku-xigeenkiisa Cabdiweli Ibraahim Aadan Garyare lagu caleemo-saaray magaalada Dhuusamareeb, munaasabad ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxda dowlad-goboleedyada, mas’uuliyiin federaal ah iyo marti sharaf kale.
Wareejinta hubka iyo gaadiidka ayaa kusoo beegmaysa xilli maamulka cusub ee Galmudug uu bilaabayo hawlaha la xiriira amniga, dib-u-habeynta hay’adaha maamulka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo weli ka socda qaybo ka mid ah deegaannada Galmudug.