Midowga Afrika oo DFS ku taageerey doorashooyinka qof & cod
Midowga Afrika ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku taageerey doorashooyinka qof & cod iyo gogosha wada-hadal ee ay u dhigtay mucaaridka, sida lagu sheegey warsaxaafadeed ka soo baxay AU oo sida oo kale lagu ayidey Midnimada & wadajirka JFS
QODOBBADA MIDOWGA AFRIKA EE KU SAABSAN SOOMAALIYA
1. Waxa uu bogaadinayaa guusha taariikhiga ah ee qabashada doorashooyinkii ugu horreeyay ee tooska ahaa ee goleyaasha deegaanka ee gobollada kala duwan ee Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale soo dhaweynaynaa wada-hadallada wax-ku-oolka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu la yeelanayo dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan xisbiyada siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka ah, taas oo qayb ka ah dadaallada xasillinta dalka, gaar ahaan deegaannada la xoreeyay, iyo u diyaar-garowga doorashooyinka qaranka ee loo qorsheeyay sannadka 2027.
1. Waxa uu diidayaa dhammaan noocyada faragelinta shisheeye ee looga gol-leeyahay kala qaybinta Soomaaliya, isaga oo cambaareynaya tallaabo kasta, cid kasta oo qaadda, oo wax u dhimaysa madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
2. Waxa uu soo dhaweynayaa warbixinta Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee ku saabsan Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Waxa uu sidoo kale soo dhaweynayaa Qorshaha Kala-guurka ee ay wada diyaariyeen Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ka kooban saddex marxaladood oo isku dhafan, laguna dhimayo joogitaanka ciidamada AUSSOM si nidaamsan oo marxaladaysan, sida soo socota:
a) Marxaladda koowaad: Nofeembar ilaa Diseembar 2026.
b) Marxaladda labaad: Janaayo ilaa Diseembar 2027.
c) Marxaladda saddexaad: Wixii ka dambeeya sannadka 2027.
Sidaas darteed, waxa uu ansixinayaa marxaladda koowaad iyo marxaladda labaad ee qorshaha kala-guurka.
1. Waxa uu dib u xaqiijinayaa garab-istaagga Midowga Afrika ee shacabka iyo Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si ay u xaqiijiyaan himilooyinkooda ku aaddan nabad waarta, amni, xasillooni iyo barwaaqo, isaga oo adkeynaya sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika inuu sii wado taageerada Soomaaliya ee dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.
2. Waxa uu mar kale adkeynayaa ixtiraamka Midowga Afrika uu u hayo madaxbannaanida, midnimada, madax-bannaanida siyaasadeed iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya