Axad, 29 Nofembar 2026
Ciyaaraha

3 Degmo oo ka tirsan Shabeellada Dhexe oo ka qeyb galaya Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir

3 Degmo oo ka tirsan Shabeellada Dhexe oo ka qeyb galaya Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu si rasmi ah uga furmo Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir, iyadoo sannadkan lagu marti qaaday degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Tartankan oo sanadkan uu martigelinayo garoonka weyn ee Stadium Muqdisho ayaa waxaa ku cusub degmooyinka Jowhar, Warshiikh oo ka tirsan Shabeellada Dhexe iyo Gubta oo ku taalla gobolka Banaadir.

Sidoo kale, waxaa sannadkii labaad tartanka ka qeyb galaya degmada Balcad oo u dhow Muqdisho, iyadoo sannadkan uu muuqdo diyaar garowga ciyaartoyda iyo maamulada degmooyinka.

Ciyaarta ugu horreysa waxaa ciyaaraya Gubta iyo Howlwadaag, waxaana furitaanka ka qeyb galaya Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Boqolaal taageerayaal ah ayaa si gaar ah u xiiseeya daawashada Kubadda Cagta ayaa ku sii qulqulaya Garoonka Muqdisho, kuwaasi oo isaga kala yimid dhammaan degmooyinka iyo hareeraha gobolka Banaadir.