Monday, October 12, 2026
HomeWARARKAKu dhowaad 20 Burcad-badeed ah oo ka baxsaday gacanta Puntland

Ku dhowaad 20 Burcad-badeed ah oo ka baxsaday gacanta Puntland

Ku dhowaad 20 maxbuus oo ka mid ahaa burcad-badeed lagu qabtay markabka SIBU 1 ayaa xalay ka baxsaday gacanta ciidamada Puntland, xilli loo waday magaalada Garoowe, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo dhacdada.

Baxsashada ayaa dhacday xilli maxaabiista laga soo qaaday deegaanka Garacad, iyadoo loo waday Garoowe. Sida xoguhu sheegayaan, dhacdadu waxay ka dhacday deegaanka Shakaal oo hoos taga degmada Jariiban, kuna dhow xadka u dhexeeya gobollada Nugaal iyo Mudug.

Intii ay maxaabiistu isku dayayeen inay ka baxsadaan ciidamadii ilaalinayay, mid ka mid ah maxaabiista ayaa dhintay, halka mid kalena uu dhaawacmay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dadka baxsaday ay ku jireen laba qof oo dhawaan lagu qabtay Garacad, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen burcad-badeed ka degtay markabkii Turkiga ee Lutuf.

Ilaa hadda, Puntland kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan, waxaana jira warar kala duwan oo ku saabsan tirada maxaabiista baxsatay iyo sida ay uga baxsadeen gacanta ciidamada.

Puntland ayaa hore u sheegtay in 46 burcad-badeed ah lagu qabtay markabka SIBU 1, halka warar madax-bannaan ay sheegeen in markii maxaabiista Garacad la keenay ay tiradoodu ahayd 21 qof.

Markabka SIBU 1 ayaa Jimcihii lagu soo furtay howlgal ay iska kaashadeen koox ka socotay shirkadda markabka iska leh iyo ciidamada Badda Puntland ee PMPF, kaddib markii ay burcad-badeeddu qabsadeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments