Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard H. Riley, ayaa maanta booqasho dhiirrigelin iyo taageero ah ugu tagay ciidamada Uganda ee dhawaan ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay magaalada Bariire, ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Booqashadan ayaa lagu tilmaamay mid muujinaysa taageerada Mareykanka uu u hayo ciidamada AMISOM/ATMIS ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa safka hore kaga jira dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.
Safiir Riley ayaa la kulmay qaar ka mid ah ciidamada dhaawaca ah, isagoo uga mahadceliyay geesinimada ay muujiyeen intii lagu jiray howlgalka, wuxuuna ballanqaaday in Mareykanka uu sii wadi doono garab istaagga ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalaya Soomaaliya.
“Waxaan si qoto dheer u qadarinayaa halganka ay wadaan ciidamada Uganda ee nabadda u horseedaya shacabka Soomaaliyeed. Mareykanka wuxuu garab taagan yahay dadaallada amniga iyo xasilloonida dalka,” ayuu yiri Safiir Riley.
Booqashada safiirka ayaa ku soo beegantay iyadoo ay weli socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacaya qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ay ku wajahayaan iska caabin xoogan.
Warbixinaha laga helayo gobolka ayaa sheegaya in ay jiraan khasaare labada dhinac soo gaaray, balse saraakiisha difaaca ayaa xusay in howlgallada socda ay guulo muhiim ah laga gaaray.
Booqashadan ayaa loo arkaa mid dhiirigelin u ah ciidamada la dagaallamaya argagixisada, iyadoo sidoo kale muujinaysa xiriirka dhow ee Mareykanka iyo howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.


