Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

FIFA Virus: Man United Oo Dhirbaaxo Kala Kulantay Fasaxa Xulalka & Xiddig Muhiim Ah Oo Ka Dhaawacmay.

FIFA Virus: Man United Oo Dhirbaaxo Kala Kulantay Fasaxa Xulalka & Xiddig Muhiim Ah Oo Ka Dhaawacmay.

Raphael Varane ayaa la bedelay kulankii France 2-1 kaga badiyeen Ivory Coast ka dib markii uu dhaawacmay.

Tababaraha Xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa ciyaarta kadib xaqiijiyay in difaaca Man United ‘ay dhibaato yar ka haysato cagtiisa’.

Si kasta ha ahaatee tababaraha ayaan sheegin inta uu dhaawacu leegyahay iyo waliba in uu seegi doono kulamada u hadhay xulka France.

Xiddiga Varane ayaa la arkay isaga oo dhutinaya markii uu ciyaarta ka baxay taas oo keentay in ay kooxda Man United ka wal-walto xaalada xiddiga.

Xiddiga reer France ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo tan ilaa markii uu ku soo biiray isaga oo 14 kulan ku seegay sabab la xidhiidha dhaawacyo.

United ayaa ku soo laaban doonta ciyaarista Axada 2 bisha April iyaga oo la ciyaari doona kooxda Leicester City kulan horyaalka premier League.