Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Madaxweynaha Barcelona Laporta Oo Xaqiijiyay Tirada Saxiixyada Ay Samayn Doonto Kooxdu Suuqa Xagaaga.

Madaxweynaha Barcelona Laporta Oo Xaqiijiyay Tirada Saxiixyada Ay Samayn Doonto Kooxdu Suuqa Xagaaga.

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa xaqiijiyay tirada xiddigaha ay kooxdiisu la soo saxiixan doonto suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda Barcelona ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka iyaga oo u tartamaya kaalinta 2-aad isla markaas ku jira tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.

Hadana kooxda Barcelona ayaa sidoo kale isku diyaarinaysa in ay xoojiso kooxda marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.


Kooxda Barcelona ayaa lala xidhiidhinayaa xiddigo badan oo ka mid ah xiddigaha ugu magac weyn ee qaarada yurub.

Sidoo kale Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Laporta ayaa sheegay in ay xoojin doonaan boosas muhiim u ah kooxda marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

“Waxaan dhameystiri doonaa ugu yaraan 4 saxiix, fikradda ayaa ah inaan xoojino weerarka, khadka dhexe iyo daafaca,” ayuu yiri Joan Laporta