Wasiir Bayle oo go'aan ka qaatay uyeerida xafiiska Xeer Ilaalinta.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa diiday in uu maalinta berri ah tago xafiiska xeerilaaliyaha Qaranka oo looga yeeray maalmo ka hor.
Wasiir Beyle ayaa caddeeyay in looga baahan yahay xeer Ilaalinta in ay soo maraan xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda si u yeeristooda unoqoto mid loo maray habraac sax ah.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warqad kasoo baxday xafiiskiisa si faah faahsan kaga hadlay waxyaabaha keenay inuusan aqbalin uyeerida Xafiiska Xeer Ilaalinta.
