Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Somalia & Serbia oo kawada hadlay Arrimo Amniga la xiriira.

Somalia & Serbia oo kawada hadlay Arrimo Amniga la xiriira.

Belgrade : Maxamed Cabdullaahi Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Belgrade ee dalka Serbia ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Serbia Aleksandar Vulin, kaddib booqasho uu ku tagay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaas.

Safiirka iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Seerbiya ee dhinacyada amniga iyo tababarka Ciidamada iyo arrimo kale oo ku saabsan guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.

“Dowladda Serbia waxay xiriir wanaagsan la leedahay Soomaaliya, Seerbiya waxay noo haysaa arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismaha dowladnimada iyo kaabayaasha dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Amb. Maxamed Cabdullaahi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Serbia, Aleksandar Vulin ayaa dhankiisa u mahad celiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Belgrade, isaga oo sheegay in dowladda Serbia ay diyaar u tahay la Shaqeynta dowladda cusub ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waday qorshe lagu hagaajinaayo xiriirka Arrimaha Dibadda waxaana ay Soomaaliya dib u howl gelisay Safaarado badan oo ay dalalka Caalamka ku laheyd.