Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Sawirro : RW Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Hiiraan.

Sawirro : RW Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Hiiraan.

Baladweyne : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee Baladweyn tagay waxaa qeyb ka ah xubno kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya sida Wasiirka Caafimaadka & Daryeelka Bulshada iyo Wasiirka Qorsheynta & Maalgashiga Caalamiga ah.

Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baladweyne waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ay kamid yihiin Taliyaha CXD, Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Madaxweyne ku xigeenka iyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Gobolka Hiiraan qeybo kamid ah waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay ka socday howlgallo ay iska kaashanayaan Ciidamada iyo dadka deegaanka oo ay kaga hor jeedaan dagaalamayaasha ururka Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in ujeedada safarkiisu  tahay u kuurgalidda xaaladda abaaraha iyo dhiirigelinta ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya Al-Shabaab.