Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

tababare Klopp Oo Jawaabtii La Sugayay Bixiyay & Liverpool oo ka hartay Tartanka Hanashada HoryaalkaTababre.

tababare Klopp Oo Jawaabtii La Sugayay Bixiyay & Liverpool oo ka hartay Tartanka Hanashada HoryaalkaTababre.

Tababaraha kooxda kubadda Cagta ee Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa kahor kulanka ay maanta kooxdiisa Liverpool booqanayso dhigeeda Arsenal ka hadlay suurogalnimada ay wali tartanka hanashada Premier League ugu sii jiraan.

Klopp oo ay shalay u ahayd sanad-guuradii toddobaad ee markii uu Liverpool kusoo biiray ayaa doonaya guul ay kaga soo kabtaan kulankii ugu dambeeyay ee ay barbardhaca 3-3 ah lasoo galeen Brighton.

Reds ayaa maanta u tagaya Arsenal oo haddii ay ka badiso hoggaanka horyaalka dib ula wareegaysa halka ay iyagu toddoba kulan tobban dhibcood kasoo heleen booska tobnaadna fadhiyaan.