Waa sidee dhaawaca Weeraryahanka Kooxda Manchester United Anthony Martial?
Kooxda Manchester United ayaa maanta khiimeyn doonta xaaladda Martial kaddib markii dhaawac xalay loogu saaray ciyaartii ay kooxdiisa garoonka Goodison Park kaga soo adkaatay Everton, waana dhaawacii saddexaad ee Martial soo gaara bilo gudahood.
Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa xalay Martial ku soo bilaabay kulankii Everton, waxayna ahayd safashadiisii ugu horreysay ee Premier League uu ku soo bilawdo safka hore muddo sanad ka badan, laakiin Everton ayaa riyadii Martial ka dhigtay hal bacaad lagu lisay, kaddib markii ciyaarta dhaawac loogu saaray, waxaan daqiiqadii 29-aad lagu badalay Cristiano Ronaldo.
Martial ayaa daqiiqadii 15-aad ee qeybta hore ciyaarta Antony ka caawiyay goolkii barbaraha, balse nasiib xumo weeraryahanka ma dhammaysanin 90-kii daqiiqo ee ciyaarta.