Reds Oo Dooneysa Inay Ka Soo Kabsato Guuldaradii Kooxda Ugu Hoseysa Horyaalka
Liverpool ayaa kalsooni badan qabta ka dib markii ay xaqiijisteen u soo bixitaankooda wareega 16ka Champions League, Liverpool ayaa caawa raadineysa inay ku soo laabato wadada guusha ee Premier League marka ay Leeds United ku soo dhaweeyaan Anfield.
Thiago Alcantara ayaa diyaar u ah Liverpool ka dib markii uu ka soo kabsaday xanuunka dhegta.
Ibrahima Konate ayaa ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii Ajax ee Arbacadii laakiin Jordan Henderson ayaa jug ay soo gaartay kulankaas, waana la qiimeyn doonaa xaaladiisa.
Leeds waxa ay shaki ka qabaan taam ahaanshaha lix ciyaaryahan: Luis Sinisterra, Rodrigo Moreno, Tyler Adams, Joe Gelhardt, Leo Hjelde iyo Liam Cooper.