Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Erik Ten Hag Oo Shaaca Ka Qaaday Sirtii Ka Dambaysay In Uu Weerarka Ka Ciyaarsiiyo Daafaca Harry Maguire

Erik Ten Hag Oo Shaaca Ka Qaaday Sirtii Ka Dambaysay In Uu Weerarka Ka Ciyaarsiiyo Daafaca Harry Maguire

Tababaraha Manchester United Eric Ten Hag ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu weerarka uga ciyaarsiiyay daafaca Harry Maguire kulankii ay Man United 1/0  kaga badiyeen Real Sociedad kulan ka tirsanaa Europa League.

Macalinka reer Holland ayaa isbadal sameeyay intii ay socotay ciyaartii ugu dambaysay wareega Group-yada Europa league isaga oo badalay xiddigaha Donny van de Beek iyo Victor Lindelof soona galiyay ciyaarta Marcus Rashford iyo Scott McTominay daqiiqadii 58aad.

Laakiin arinta su’aasha dhalisay ayaa ahayd markii uu daqiiqadii 82-aad soo galiyay kabtanka kooxda ee Harry Maguire isla markaas ka ciyaarsiiyay weerarka tooska ah.

“Waxaan u baahneyn gool dheeri ah, sidaas darteed waxaan sameynay isbedelo si aan u xoojino weerarka, waxa aan galay khamaar meelo badan oo garoonka ah”ayuu Ten Hag yidhi.

Waxa uu intaa ku daray, “Fikirka ayaa ahaa in Harry Maguire uu ka garab ciyaaro Cristiano Ronaldo si uu uga faa’ideysto kubada hawada sare sida ugu macquulsan, waxaan isku daynay inaan kubad badan ku ciyaarno gudaha xerada ganaaxa, waxaana ku guuleysanay inaan si dhaqso ah u gaarno meelaha halista ah”.