Monday, July 27, 2026
HomeSPORTSChelsea oo ku dhow saxiixa Xavi Simons

Chelsea oo ku dhow saxiixa Xavi Simons

Kooxda Chelsea ayaa si weyn ugu dhow dhammeystirka saxiixa Xavi Simons, xiddiga reer Netherlands ee ka tirsan RB Leipzig, sida uu xaqiijiyay weriyaha Nicolo Schira.

Simons, oo 22 jir ah kana ciyaara booska weerarka dhexe, ayaa durba la heshiiyay Chelsea dhanka shuruudaha shaqsiyadeed, iyadoo haatan ay harsan yihiin oo kaliya faahfaahinno yar ka hor inta aan heshiiska si rasmi ah loo shaacin.

Tababare Maresca ayaa door muhiim ah ka qaatay in Simons aqbalo mashruuca cusub ee Stamford Bridge, iyadoo qorshihiisa horumarineed uu xiddiga si weyn u qanciyay.

Chelsea ayaa dadaal xooggan ku bixisay saxiixiisa, iyadoo ka adkaatay kooxo kale oo isha ku hayay. Haddii heshiiska la dhameystiro, Simons ayaa noqon doona mid ka mid ah xiddigaha ugu magac weyn ee Premier League kusoo biiro xagaagan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments