Iska horimaad ka dhacay xadka Uganda iyo Koonfurta Suudaan oo sababay dhimasho
Ugu yaraan 6 askari ayaa ku dhintay isku horimaad xooggan oo u dhexeeyay ciidanka Uganda iyo kuwa Koonfurta Suudaan, kaasoo dhacay 48-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay xaqiijisay wakaaladda wararka Reuters.
Iska horimaadka ayaa ka dhacay agagaarka degmada Kajo Keji ee gobolka Central Equatoria, halkaas oo muddo dheer ay xiisad ka taagneyd sababo la xiriira muranka dhuleed ee xuduudda labada dal.
Askarta geeriyootay waxaa ka mid ah 5 askari oo Koonfurta Suudaan ah iyo hal askari oo Uganda u dhashay. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka uu si lama filaan ah u qarxay, iyadoo faahfaahin dheeraad ah laga sugayo labada dowladood.
Xiisaddan ayaa khatar ku ah xasilloonida gobolka, waxaana la filayaa in dadaallo diblomaasiyadeed lagu xalliyo muranka taagan.