Monday, July 27, 2026
HomeSPORTSLuke Shaw oo ka hadlay hab-dhaqanka adag ee tababare Ruben Amorim

Luke Shaw oo ka hadlay hab-dhaqanka adag ee tababare Ruben Amorim

Daafaca Manchester United, Luke Shaw, ayaa daaha ka rogay sida uu tababaraha cusub ee kooxda, Ruben Amorim, ugu adagyahay dhinaca maskaxda iyo feejignaanta ciyaartoyda. Shaw ayaa sheegay in Amorim uusan tixgelin magac ama sumcad ciyaaryahan haddii uusan keenin heerka uu tababaruhu dalbanayo.

“Maskax adkeygu waa wax uu Ruben xoogga saaro. Wuxuu naga rabaa 100% dadaal, wax ka yarna ma aqbalo,” ayuu yiri Shaw oo la hadlayay saxaafadda. “Haddii aad bixiso 85 ama 90%, garoonka lama gelin karo. Wuxuu caddeeyay in uusan magac ku socon, qof walbana uu si siman u qiimeeyo.”

Shaw ayaa intaas ku daray in ciyaartoydu ay u baahan yihiin inay si buuxda u taageeraan qorshaha tababaraha si guul loo gaaro, isagoo tilmaamay in isbedel dhab ah uu ka socdo gudaha kooxda Old Trafford.

Tababare Ruben Amorim oo si wanaagsan ugu soo shaac baxay kooxda Sporting CP, ayaa la yimid falsafad adag oo uu diiradda ku saarayaa nidaam iyo anshax, taasoo keentay in ciyaartoy waaweyn sida Sancho, Rashford, Antony iyo Malacia loo sheegay inaysan qeyb ka noqon doonin qorshihiisa mustaqbalka.

Waxaa la sugayaa haddii isbeddelkan adag uu Manchester United ka caawin doono inay kusoo laabato tartanka hanashada horyaalka Premier League iyo koobabka Yurub.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments