Madaxweynaha Puntland oo qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM)
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garoowe ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) oo uu hoggaaminayay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee IOM, Marwo Ugochi Daniels.
Kulanka, oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Puntland iyo IOM, arrimaha la xiriira qulqulka tahriibka, iyo mashaariicda horumarineed ee IOM ka fuliso deegaannada Puntland.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay IOM doorkooda taageerada bini’aadantinimo iyo iskaashi joogto ah, iyadoo labada dhinac ay ballan qaadeen in la sii xoojiyo wada shaqeynta mustaqbalka.
HALKAAN HOOSE KA EEG SAWIRADDA







