Tuesday, July 28, 2026
HomeWARARKADFS oo Laascaanood ugu dhawaaqday Maamulka Waqooyi Bari.

DFS oo Laascaanood ugu dhawaaqday Maamulka Waqooyi Bari.

Shirweynihii maalmahaan ka socday magaalada Laascaanood ayaa caawa lagu ansixiyey in magaca maamulka cusub ee gobollada Sool iyo Sanaag laga dhigo Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, iyada oo sidoo kale ergadu ansixiyeen Dastuurka Dowlad Goboleedkaas.

Shirweynaha Ansxinta Dastuurka waxaa soo xaadiray 417 ergo ah oo laga soo kala xulay beelaha wada dhistay maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, waxaana si gacan taag ah u ansixiyay Dastuurka Dowlad Goboleedka dhammaan xubnaha Ergada ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in la dhammeystiray shirka dhismaha dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo.

Shirkan oo socday muddo 8 maalmood ah ayaa lagu qabtay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo ay ka qeyb galeen 417 ergo oo matalayay bulshada deegaanka ee ka kala yimid Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

“Shirka intii uu socday waxaa la isku afgartay ansixinta Dastuurka KMG ah, magaca maamulka Waqooyi Bari iyo Caasimadda oo noqoneysa magaalada Laascaanood” ayaa lagu yiri Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

Sidoo kale, waxaa xiga howlaha xulista baarlamaanka, doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka Waqooyi Bari.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa boggaadisay dadaallada nabadeed, wada-tashiga iyo is-afgaradka laga gaarey dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments