Guddoomiye Muungaab oo Ku Dhawaaqay Furista Waddooyinka Xiran ee Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in dhowaan la furi doono qaar ka mid ah waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo aan khatar amni lahayn, si loo fududeeyo isku socodka shacabka.
Hadalkan ayuu ka jeediyay munaasabad dhagax-dhig ah oo lagu bilaabay dhismaha waddo laami ah oo cusub oo u dhaxeysa waddooyinka Cabdiqaasim iyo Banaadir ee degmada Hodan. Muungaab ayaa xusay in canshuurta laga qaado shacabka dib loogu celin doono adeegyo iyo mashaariic horumarineed.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay masuuliyiin kala duwan, odayaal, ganacsato, iyo hay’adaha amniga. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ballan qaaday in la sii wadi doono dhismaha iyo dayactirka kaabayaasha magaalada.

