Monday, July 27, 2026
HomeSPORTSMan United iyo Everton oo Barbaro 2-2 Ah Ku Kala Baxay Kulankii...

Man United iyo Everton oo Barbaro 2-2 Ah Ku Kala Baxay Kulankii Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub

Manchester United iyo Everton ayaa barbaro 2-2 ah ku kala baxay kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay garoonka Mercedes-Benz Stadium ee magaalada Atlanta, Mareykanka, qayb ka ah isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Bruno Fernandes ayaa Man United u dhaliyay goolka koowaad daqiiqadii 19-aad isagoo ka dhaliyay rigoore.

Everton ayaa ciyaarta la timid goolka barbaraha daqiiqadii 40-aad oo uu dhaliyay Iliman N’Diaye.

Qaybta labaad, Mason Mount ayaa Red Devils markale hogaanka u dhiibay gool uu dhaliyay daqiiqadii 69-aad, balse Everton ayaa mar kale la timid gool barbaro ah kadib weerar rogaal celis ah.

Inkasta oo labada kooxood ay isku dayeen in ay helaan goolka guusha, ciyaartu waxay kusoo dhammaatay barbaro xiiso badan.

Manchester United ayaa Sabtida soo socota la ciyaari doonta Fiorentina kulankeedii ugu dambeeyay ee isku diyaarinta, halka Everton aysan weli xaqiijin kulankeeda xiga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments