Tuesday, July 28, 2026
HomeWARARKABaaris lagu ogaanayo khasaaraha hantida ka dhashay dabkii Suuq Bacaad.

Baaris lagu ogaanayo khasaaraha hantida ka dhashay dabkii Suuq Bacaad.

Waxaa weli socda baaris lagu ogaanayo inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha hantida ee ka dhashay dabkii saacadaha badan gubayay Suuq Bacaad, kaasoo ugu dambeyn xalay waqti dambe lagu guuleystay in la damiyo.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid, Suleymaan Maxamuud Fargax, ayaa sheegay in dabka uu ka dhashay koronto, isla markaana uu sababay dhimashada gabar, taasoo la xaqiijiyay. Waxa uu tacsi u diray ehelkeeda, isaga oo caddeeyay in aanay jirin qof kale oo waxyeello kasoo gaartay.

Mid ka mid ah ganacsatada Suuq Bacaad ayaa muujiyay tuhun ah in suuqa si ula kac ah loo gubay, halka ganacsade kale uu sheegay in dabku ka bilowday qashin meel yaalay.

Sidoo kale, Shukri Geedi, oo ka mid ah ganacsatada Suuq Bacaad, ayaa sheegtay in ay khasaarteen lacag gaareysa sideed kun oo doollar, iyadoo xustay in xitaa lacagtii ay guriga kala soo carareen oo aysan ilaalin karin ay dabku gubtay.

Ganacsade kale ayaa ku dooday in dabka uu yahay mashruuc ay ka dambeeyaan rag dallaaliin ah oo doonaya in suuqa la cabiro oo laga qaato boosaskiisa.

Kooxaha dab-damiska ayaa dadaal dheer ku bixiyay sidii loo xakameyn lahaa dabka, si aanu ugu faafin qaybaha kale ee suuqa, iyadoo dabayl xooggan ay jirtay. Ugu dambayn, dabka ayaa si buuxda loo damiyay.

Maanta ayaa la filayaa in loo xilsaaro guddi ka kooban ganacsatada Suuq Bacaad, kuwaas oo qiimeyn doona khasaaraha hantida ee suuqa ka dhacay, isla markaana la kulmi doona dadka hantidooda ku gubatay dabka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments