Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ruqsad ugu siisay shirkadda Starlink, oo ah shirkad Mareykan ah oo bixisa adeegga internet-ka xawaare sare leh, taasoo ay aasaastay Elon Musk, si ay uga hawlgasho gudaha dalka.
Ka dib wadahadalo socday in ka badan labo sano iyo bar, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin, ayaa wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay in ruqsadda la bixiyay iyadoo la raacayo shuruucda dalka.
“Ka dib wadahadalo joogto ahaa oo socday muddo labo sano iyo bar, waxaan ruqsadda siisay Starlink,” ayuu yiri Mustafa Yaasiin.
Elon Musk ayaa sidoo kale arrintan ku xaqiijiyay bartiisa bulshada ee X (hore loogu yiqiin Twitter), isagoo yiri, “Internetka xawaare sare leh ee Starlink oo leh dib-u-dhac yar hadda Soomaaliya waa laga heli karaa.”
Ruqsaddan ayaa u oggolaanaysa Starlink inay bixiso adeeg internet oo tayo sare leh oo ku xiran dayax-gacmeedyo (satellites) gudaha Soomaaliya, iyada oo buuxisay dhammaan shuruudaha dowladda.
Tallaabadan ayaa ku beegan natiijooyinka warbixin Bangiga Adduunka 2022 oo muujisay baahida sii kordheysa ee Soomaaliya u qabto internet xawaare sare leh oo muhiim u ah waxbarashada, adeegyada caafimaadka, iyo horumarka dhaqaalaha.


