Monday, July 27, 2026
HomeWARARKALabo wariye oo ka tirsan Telefishinka SMS Somali TV ayaa weli maalintii...

Labo wariye oo ka tirsan Telefishinka SMS Somali TV ayaa weli maalintii saddexaad si aan sharciyad ahayn ugu xiran 𝐜𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚.

Labo wariye oo ka tirsan Telefishinka SMS, Xuseen Ciise Maxamed iyo Cusmaan Cabdullaahi Carab, ayaa maalintii saddexaad si aan waafaqsanayn sharciga ugu xiran ciidamada booliska.

Xariggan sharci darrada ah wuxuu si cad uga hor imaanayaa dastuurka dalka iyo xeerarka dammaanad qaada xorriyadda saxaafadda. Ilaa iyo hadda, eed rasmi ah laguma soo oogin wariyeyaasha, mana la horkeenin maxkamad, taasoo dhalinaysa walaac ballaaran oo ku saabsan sababta dhabta ah ee xarigooda.

Maamulka SMS Somali TV wuxuu cambaareyneynaa xariggan aan sharciga waafaqsanayn, waxaana ugu baaqeynaa hay’adaha amniga iyo Madaxda sare ee dowladda federaalka inay si degdeg ah xorriyaddooda ugu soo celiyaan, islamarkaana ay joojiyaan cadaadiska ka dhanka ah warbaahinta madax-bannaan.

Taliyaha Baraha Koontoroolada Ciidanka Booliiska ahna Taliyaha Howlgalada Gaashaanle dhexe 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐂𝐚𝐥𝐢 Ciidan uu hogaaminayo ayaa albaabka telefashinka ka watay wariyaashan oo xili shaqo ay ka soo laabteen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments